Ardayda Jaamacadaha iyo Iskuulada Sare:
Mashruucan waa tusaale ku habboon oo ardayda ka caawin kara inay bartaan
sida loo isticmaalo Arduino, dareemayaal ultrasonic, iyo farsamada embedded
systems. Waa mashruuc practical ah oo u fududeynaya ardayda inay ku
tijaabiyaan aqoontooda iyo hal-abuurkooda.
Noocyada Ardayda Loogu Tala Galay:
- Ardayda Farsamada Gacanta (Technical Students):
o
Qaybaha ay ka midka yihiin Electronics, Electrical Engineering,
Mechatronics, iyo Embedded Systems.
o
Waxay ka faa’iidaysanayaan aqoonta ku saabsan sida loo
isticmaalo Arduino, ultrasonic sensors, iyo servo motors si
mashruucan loo hirgeliyo.
- Ardayda Cilmiga Barashada Tiknoolojiyadda (IT Students):
o Kuwa baranaya IoT (Internet of Things) iyo isticmaalka
dareemayaasha casriga ah ee lagu maamulo qalabka.
o Waxay ku tababaran karaan sidii ay uga dhigi lahaayeen
mashruucan mid isku xidhan ama la falgala nidaamyo kale.
- Ardayda Wax Ka Baranaysa Cilmiga Deegaanka (Environmental
Science Students):
o Waxay bartaan xalalka casriga ah ee la xiriira maaraynta jaamka
iyo ilaalinta badqabka bulshada.
- Ardayda Ku Jirta Mashruucyada Sanadka Ugu Dambeeya (Final
Year Students):
o Mashruucan wuxuu u noqon karaa mid dhameystiran oo la soo
bandhigi karo, si gaar ah loogu tala galay ardayda raadinaysa
fikrado cusub oo wax-ku-ool ah oo lagu soo gabagabeeyo
waxbarashadooda.
- Ardayda Dugsiyada Sare ee Doonaya Tababar Practical ah (High
School Students):
o Waa mashruuc fudud oo lagu baran karo aasaaska tiknoolojiyadda
sida ku xirnaanta LED, buzzer, iyo isticmaalka servo motors.
Mashruucani waa mid dhiirrigelinaya hal-abuurka ardayda isla markaana
sare u qaadaya xirfadaha farsamada iyo tiknoolojiyadda casriga ah.
Ardayda xiiseyneysa inay hal-abuur sameeyaan ama ka faa’iidaystaan casharro
practical ah, waa mashruuc ku habboon oo qiimo jaban leh. Hadda nala soo
xiriir si aad uga mid noqoto kuwa horumarka tiknoolojiyadda ka shaqeynaya!
